Qaxootiga aduunka: Dad badan ayaa ku dhimanaya doonyaha buux dhaafay ee Mediterranean-ka
Murugo iyo aamusnaan ayaa maalmo hareeyay tuulada Santa Al-Bayda ee gobolka waqooyiga Masar, waxayna sugayaan dadka in ay helaan war ku saabsan dad ehelkooda ah oo la socday doon ku degtay biyaha Mediterranean-ka. Labadii bishii July, Mohammed wuxuu soo wacay walaalkii Mohie isagoo u sheegay in uu u safray Libya kaddib markii ay sidaa ka dhaadhiciyeen koox dalaaliin ah oo ka yimid Giriigga. "Si adag ayaan isugu daynay in uu fakaraas ka haro maadama uusan faa'ido laheyn" ayuu yiri Mohie oo intaas ku daray isagoo haya sawirka walaalkii, "safarkiisa waxa uu qiil uga dhigay dhibaato dhaqaale oo dalka ka jirta iyo xaalada adag ay dhallinyaradu ku jiraan. Wuxuu aaminsanaa in nolosha qurbaha ay ka wacan tahay tan gudaha. Dadka tuulada oo dhan murugo ayey ku jiraan". Mohamed waxa uu ka mid ahaa dadkii ay la degtay doon sharcidarro aheyd oo ka baxay xeebaha Libya 22-kii bishii July. Waxa uu ka mid ahaa 79 qof oo u badnaa Masaari kuwaas oo ka kala yimid gobolo kala duwan.
8/3/20251 min read


Analysis by Abukar Deerow @eBiil