Puntland oo ka jawaabtay eedeyn la xiriirta ganacsi sharci darro ah oo wali ka socda deegaanadaas
BOOSAASO BARI SOMALIA: Puntland oo ka jawaabtay eedeyn la xiriirta ganacsi sharci darro ah oo wali ka socda deegaanadaas
7/6/20253 min read


Warbixintan uu soo saaray machadka Institute for Security Studies, ayaa lagu saleeyey cilmi baarisyo laga sameeyey magaalooyinka dhaca xeebaha ee Puntland oo ay ka mid yihiin Baargaal, Qandala iyo Boosaaso. Iyagoo booqday qaar ka mida suuqyada lagu iibiyo kalluunka ee magaalo xeebeedka Boosaaso dad ku howlan arrimaha shaqooyinka kalluunka ay waraysteen
Sida lagu sheegay warbixinta cilmi barayaal ka socda mashruuca ENACT, ayaa booqday goobta ugu weyn ee doomaha kalluumeysigu ay kusoo xirtaan degaan Boosaaso, Puntland, waxay noqotaa meel aad u mashquul badan laga bilaabo 3 aroornimo ilaa 9 subaxnimo. Ganacsato, kalluumeysatayaal, iibsadayaal iyo mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa halkaas ku kulma, waxay isku dhaafsadaan hadalo qaylo ah gorgortan iyagoo wadaaga sida uu ahaa jilaabashada kalluunka habeenkii.
Dadka ka shaqeeya kalluumaysiga ayay sheegeen in qaar ka mid ah ay ku shaqeeyaan xarumo duugoobay oo lagu farsameeyo kalluunka, kuwaas oo ku dhexyaalla maqaayado yar-yar iyo suuqyada kalluunka ee furan.
Inkasta oo halkaas laga heli karo nooc kasta oo kalluun iyo Qolefley badeed ah, haddana Libaax-badeedkan lagu magacaabo Gulper Shark, Soomaalidu u taqaan Indhobuur ayaa la sheegay in suuqyada kalluunka ee magaalada Boosaaso caadi loogu iibiyo, iyadoo beerkiisa laga shiilo saliid qaali ah. Goobtan wiil dhalinyaro ah ayaa miis weyn ku jarjaraya nooca libaax baddeedka Indhobuur isagoo beerka uu ka soo saaray weel ku riday. "Ganacsigu wuu wanaagsan yahay," ayuu u sheegay cilmi-baarayaal ka tirsan mashruuca ENACT ee la dagaalanka dambiyada abaabulan.
Saliida beerka ee libaax baddeedka Gulper Shark ama indhabuur waxay xuddun u tahay ganacsi sharci darro ah oo ku soo kordhay maamul-goboleedka Puntland.
Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay TRAFFIC, qiimaha saliida laga soo saaro beerka libaax baddeedkan ayaa ka sii yaraanaya dunida iyadoo sidoo kale ah mid qaali ah. Waxyaabaha saliidan loo isticmaalo ayey ka mid yihiin waxyaabaha la isku qurxiyo iyo qaar ka mida dawooyinka kuwaas oo qiime sare ka jooga suuqyada qaar ka mida wadamada Qaarada Aasiya.
Suuqa caalamiga ah ee saliidda beerka libaax badeedka ayaa sanadkii 2024 lagu qiyaasay qiime dhan US$157.2 milyan, waxaana la saadaalinayaa inuu kor ugu kaco ilaa US$263.6 milyan marka la gaaro 2033.
Kala badh noocyada la beegsado saliidda beerka libaax badeedka ayaa khatar ugu jira dabar go', iyadoo la diiwaan geliyay hoos u dhac 97% ah tirada libaax badeedka gulper shark ee Koonfurta Badweynta Hindiya intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2020. Noole baddeedkan ayaa leh cimri gaaban iyo taran yar iyadoo labadii sano hal mar uu dhalo.
Wasiir Xagaa, wuxuu sheegay in Puntland sanadkii 2024-kii ay mamnuucay jilaabashada iyo ka ganacsiga libaax baddeedka Gulper Shark ama Soomaalidu u taqaano Indha-buur.
Warbixintu waa xustay joojinta Puntland ee ka ganacsiga libaax badeedkan hase yeeshee waxay sheegtay in wali meelaha qaar oo Bosaaso ay ka mid tahay ay ka soo socoto. Wasiirka oo su'aashan BBC-du waydiisay ayaa yiri: " Ma sheegi karo wax tuugo ah oo la xaday laakiin wax shati ah lama siiyo oo lagu shaqaysto, si furan looga ganacsado loona jilaabto maha, waa la joojiyey xeerarkuna ma ogola".
Inkasta oo xayiraado jiraan, haddana kalluumeysiga libaax badeed Gulper shark, iyo farsamaynta saliidda beerka laga shiilo ayaa sii socda. Qaybaha jidhka sida beerka waxaa lagu iibiyaa kooxo yar oo si gaar ah uga shaqeeya Boosaaso. Qiimaha beer kasta – hadba inta uu le'eg yahay ha weynaado ama ha yaraado. Qiimihiisu waa ku dhowaad hal dollar.
Inkastoo aanay jirin tiro rasmi ah, kalluumeysatada deegaanka waxay sheegayaan in tirada Gulper shark ee la soo qabto ay si isdaba joog ah u yaraanayso sida warbixinta ISS ay sheegtay.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in sidoo kale la dhoofiyo saliida laga shiilay beerka libaax baddeedkan Gulper Shark. Isagoo ka jawaabayey dhoofintaas ayuu wasiirka Kalluumaysiga Puntland u sheegay BBC-da in waxa la dhoofiyaa ay maraan marino sharci ah basle in la dhoofiyo iska daaye ay Puntland mamnuucday dabashadiisa iyo ka ganacsigiisaba.
Qiimaha saliidda shark-ka ee Soomaaliya wuxuu u dhexeeyaa $14.44 ilaa $38.50 halkii kiilo, iyadoo iibisadayaasha caalamiga ah ay ka bixiyaan qiime aad uga badan. Si sharci-darro ah ayaa saliidda loogu dhoofiyaa doonyo shisheeye oo badda dhexdeeda ku sugan si looga fogaado la socodka, iyadoo laga leexanayo dekedaha Puntland, goobaha kalluumeysiga ama marinnada dhoofinta ee sharciyaysan. "Maraakiibta ayaa ku qariya xamuulka la ogol yahay, ama waxay u gudbiyaan dad dhexdhexaadiyaal ah si loo qariyo halka saliiddu ka timid" ayaa lagu yiri warbiixnta Machadka ISS.
JOURNALIST/EDITOR @eBiil.com
ABUKAR DEEROW